Shacabka ku nool Magaalada Jigjiga ayaa Banaanbax rabshado wata ka Dhigay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Maanta waxaa ay halkaasi ka dhigeen banaanbaxyo rabshado watay.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay siweyn uga soo horjeedaan masaajidyo Saddex ah oo lagu gubay kililka Axmaarada,waxaana banaanbaxa ay ka dhigeen inta badan Xaafadaha Magaalada Jigjiga.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan Erayo ka dhan ah Amxaarada iyo sida ay uga xun yihiin Masaajidyada la gubey, iyaga oo sidoo kale wata Boorar ay ku qoran yihiin (MUSLIMIINTA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN WAA JIR QURA)

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa la dhigey wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga si ay u xakameeyaan banaanbaxayaasha,waxaana banaanbaxayaasha qaarkood ay taayaro ku gubeyn wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga.

Maalin ka hor waxaa mid lamid ah banaanbaxaan uu ka dhacay kililka HARAR ee dalka Itoobiya, iyada oo weli ay jiraan cabsi laga qabo in banaanbaxyo kale oo rabshado wata ay sameeyaan Muslimiinta ku nool dalka Itoobiya.