Shariif Xasan oo $100,000 Doolar ugu Deeqey Fatahaadii Degmadda Bardaale

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeen Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Fatahaadda ka Dhacdey Degmadda Bardaale ee gobalka Baay ugu deeqey Kharash dhan $100,000 oo Doolar.

Deeqdan ayaa la sheegey in Shariif Xasan uu soo mariyey guddi uu ku kalsoon yahay si ay u gaarsiiyaan Dadka saameynta balaaran ay ku yeelatey fatahaadda Degmadda Bardaale

“Koonfur galbeed dhibka allah ka qaado, Waxaan aad uga xumahay arintan musiibadda ah ee reer Bardaale ku dhacdey, waxaana waajib igu ah inaan si buuxda gacan uga geysto wixii karaankeyga ah ayuu yiri shariifka”

Fataahadda Bardaale ayaa aheyd daad ay sababeen Roobab mudo maalmo ah ah ka da’ayey Gobalka Baay.