Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed oo Gaaray Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Garoowe Ee xarunta Maamulka Puntland Shariif Xasan siikh Aadan iyo Wafdiga uu Hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Kusoo Dhaweyay Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali gaas Iyo Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland

Wafdiga  ka Socda Maamulka koonfur galbeed soomaaliya ee uu hogaaminayay madaxweynaha maamulkaasi Shariif xasan shiikh aadan ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta madaxtooyadda maamulka Puntland
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan shiikh Aadan  ayaa waxaa uu ka qeyb Gali Doonaa Shir Looga Hadlaayo Federaalka oo halkaasi ka Furmi Doona