Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Degmada Baraawe

M/weynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay Weheliyaan Xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa maanta tagay Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Shariif Xasan Sheekh ayaa Magaalada Baraawe waxaa ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Sh/hoose kan degmada Saraakiisha Ciidamada AMISOM Ee Baraawe Jooga.

Madaxweynaha Shariif ayaa la sheegay in Degmada Baraawe uu u tagay u Kuur galida Xaalada ka taagan Degmada Baraawe oo ah Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Shariifka oo hogaminaya ayaa Kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/hoose iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Sheekh ayaa Maalmo ka hor soo Magacaabay Afar wasiir oo ka tirsan Golahiisa wasiirada Maamulka Koofur Galbeed.