Sheekh Mukhtaar Roobow oo Caawa Booqdey Dhaawacyada Cisbitaalka yaalla(SAWIRO)

Musharax Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed soomaaliya sheeikh Mukhtaar Roobow ayaa Caawa Cisbitaaaka Baydhabo ku booqdey Dadkii ku dhaawacmey Qaraxayadii Maanta Baydhabo ka dhacay

Wuxuuna Caawa Ku Booqdey Cisbitaalka weyn Ee magalada Baydhabo wuxuuna Halkaasi dhaawacyada Mid Mid uga waraystay Xalkooda Cafimaad.

Qaar ka.mid ah Dadka Dhaawaca ah  ayaa Rumeysan waayey in Mukhtaar Roobow uu ku soo booqdey Cisbitaalka ‘

Ka dib ayuu dhahay walalkey Waa sheikh mukhtaar Roobow Abu mansuur Naftirkiisa  intaasi ka dibna ay aad ugu farxeen booqashadiisa waxaan uu uu rajeeyey Caafimaad taam ah in uu ALLAH siiyo.

In ka badan 17 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo xiriir ahaa oo magaalada Baydhaba ka gaysteen laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa oo galabta abaare 5:30  isku qarxiyay laba meheradood oo ku yaaley bartamaha magaalada

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegey in ay dhinteeen 17qof in ka badan 20 qof oo kalena ay weerraradaasi ku dhaawacantay.

Dadka ismiidaamiyay ayaa waxa ay si goonni goonni ah isugu kala qarxiyeen hoteel Bilan iyo maqaaxida Badar, oo ku wadayaal wadada marta bartamaha magaalada Baydhaba.

dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magaalada Baydhaba halkaas oo kooxaha gurmadka degdega ah ay dadkaasi la tacaalayaan.

Weerrarka waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab,  oo ay sheegtay inay bartilmaameedsadeen goobo ay isugu yimaadaan saraakiisha iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay xireen wadada marta bartamaha magaalada halkaas oo ay ku yaallaan goobaha ganacsi ee qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday.

Magaalada Baydhaba ayaa maalmahanba waxaa ka soconayay ololaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay qabsoomaan 17-ka bisha Nofeembar ee soo aaddan.