Sheekh Shaakir oo sheegey “Mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna dhibaato ayay ku tahay Shabaab

Madaxa Golaha Xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay waraabinta ayaa warbixiyay mideynta maamulada Glamudug iyo Ahlu Sunna, kadib markii dhowaan ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay wax lagu farxo in ay tahay in ay midoobaan labada maamul ee walaalaha ah, wuxuuna shacabka Gobolada dhexe ugu baaqay in ay si diiran u soo dhaweeyaan hormarka midnimada ah ee lagu talaabsaday.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in midnimadan ay sii xoojineyso awooda maamulka Galmudug, dhibaato weyna ay ku tahay ururka Al-shabaab oo markii hore ka faa’ideysan jiray kala qeybsanaanta labada maamul.

Dhowaan ayaa la rajeynayaa maamulka Galmudug inuu ka soo guuro magaalada Cadaado, si uu u soo dego magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana shacabka Dhuusa-mareeb ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Madaxda Galmudug.