Shil ka dhacay duleedka Garoowe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal.

Ciidanka booliska Puntland ayaa xaqiijiyay shilkaan in uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumar ah.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta uusan shilku dhicin.

Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee Garoowe.

Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare Hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddii lagasoo raray Dekeda BOosAaso.