Shil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Garoowe

Wararka aan ka helayno duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku warramaya in halkaasi uu goordhaweyd ka dhacay Shil gaari oo khasaaro gaystay.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay tilmaamayaan in uu rogmaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah, kuwaasi oo ka amba-baxay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay hal qof oo Haweenay ah.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shilkaasi dad kale oo ka mid ah Rakaabka Gaariga la socday, waxaana ka mid ah dadka ku dhaawacmay Fannaaniinta kala ah Masalax mideeye iyo Sharmaake Boy, kuwwasi oo la socday Gaariga rogmaday.