Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Qardho

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhimatay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Qardho.

Ciidanka ilaalaada Waddooyinka Puntland ayaa xaqiijiyay in Gaariga shilka galay oo lagu sheegay nooca Mark2, uu ka tegay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in uu ku sii jeeday xarunta gobolka Bari ee Boosaaso, waxaana uu siday jawaanno qaad ah.

Shilkaan ayaa yimid,kadib markii gaariga oo si xawli ah ku socda uu dhex galay Ari laamiga bartankiisa go’ynaya,islamarkaana uu dareewalku si deg deg ah bareega u qabtay.