Shir ka furmey Sacuudiga & Wasiir Maareeye oo ka qeyb galaya

Shirka Wasiirada Dalxiiska dalalka ku jira Jaamacadda carabta ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Alahsa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

SHirkaas ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu ka jeediyo khubad uu kaga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka ayaa inta uu joogo Sacuudiga wuxuu kulamo la qaadan doonaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,iyagoo ka wada hadlidoona fursadaha dhinaca dalxiiska ah ee ka jira Soomaaliya.