Shir ku saabsan xasilinta dalka oo Muqdisho ka furmay

Shir ku saabsan xasilinta amniga guud ee dalka, ayaa maanta ka furmay Xarunta Taliska ciidanka AMISOM ee Xalane, Shirkaan ayaa waxaa daah furay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaan Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugan, xubno ka socda Maamul Goboledyada dalka ka jira, Gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan Ururada Bulshada rayidka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay shirkaan wuxuuna sheegay inuu ku saabsan yahay xasilinta xaalada guud ee dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya ayaa sheegay muhiim inay tahay in Soomaaliya loo helo nidaam xasilooni oo shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaan karaan.

Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro natiijooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidii loo xasilin lahaa xaaladda guud ee dalka.