Shir laga yeeshay xaalada fatahaadaha Baladweyne

Magaalada Muqdisho waxa Maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha iyo Ururada Caalamiga iyo kuwa Gudaha ee Arimaha Bini’aadanimada,waxaana shirkaasi uga hadlayeen Xaaladaha Bini’aadanimo ee ka taagan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey xaalada Bani’aadanimo ee ka dhalatay fatahaadaha Wabiga Shabeelle sigaar ah Baladweyne iyo sidii dadkaasi gurmad weyn loogu sameyn lahaa maadaama xilligaan ay xaalad dag ku jiraan.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xamza Saciid Xamza oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa sheegay in in kabadan 50-kun oo qof ay ka barakaceen Magaalada Baladweyne oo daadad harqiyeen.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka hadlay sida ugu fudud ee dadkaasi loogu sameyn lahaa gurmad,maadaama xilligaan ay wajahayaan xaalad adag,sidoo kalena Garoonka diyaaradha Baladweyne uu u xirmay roobab ka da’ay Magalada Baladweyne.