Shir lagu xalinaayo Beelo ku dagaalamay Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo furmey

Waxaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Deegaanka Towfiiq Ee Bari Gobolka Mudug wajiga labaad shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo Beelihii ku dagaalamay deegaannada Towfiiq & Afbarwaaqo ee Gobolkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyaha Qeybta 21 aad Ee Cidanka Xooga Dalka Soomaaliya Cabdi Casiis Cabdullaahi (Qooje), Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo beeleed eedagaalamay iyo xubno kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Wasaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Xubno kamid ah Wasaaradda ay shorka ku sugan yihiin,waxaana lagu dhameystirayaa heshiiskii ay wada gaareen dhawaan labada Beelood.

Ugu dambeyn Shirkaan oo socon doona Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in geba-gabdiisa laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyey.