Shir looga hadlayey Shaqo Abuurka Dhalinyarada oo Baydhabo ka dhacay

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha KGS ayaa soo qaban qaabisay Shir looga hadlayey sidii shaqa abuur loo sinlahaa dhalinyadra kunool Deegaanada KGS .

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Hay’adaha ka howlgala Deegaanada KGS ayaa intabadan looga hadlay doorka dhalinyada shaqa la’aanta ku haysata KGS.

wasiirka shaqada iyo shaqaalaha oo shir gudoominayey ayaa Sheegey in Shirka looga arinsanaayey in muuhiimada lasiyo dhalinyada loona sameeyo Horumarinta dhaqaalaha ,dhanka Tabarada, Shaqa abuurka iyo wacyi gelinta bulshada.

Kulankan oo saacado badan qaatey ayaa markii uu soo dhamaadey Saxaafada la hadlay Faysal Abdullahi Cali Wasiirka Wassaradda shaqada iyo Shaaqaalaha KGS waxaa uu sheegey in shirka intabadan diirada lagu saaraeye Horumarinta dhalinyada KGS sidii ay u heli lahaayeen shaqo ku filan oo noolashoodana ay ku maareuyn karaan.

Horumarinta dhalinyada ayaa ah mid xooga ay saareeyso wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha KGS ay koow katahay in lasiyo xirfado kala duwan dhalinyada KGS.