Shir Nairobi uga Furmay Itoobiya iyo ONLF

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF ee ka dagaalanta dhulka Ismaamulkaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galayo xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsanaa dowladda Kenya.

Wasiirkii hore Gaashaandhigga dalka Kenya Yuusuf Haji iyo masuuliyiin kale ayaa garwadeen ka ah shirkaan, si ay isugu soo dhawaadaan ONLF iyo Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deeganada Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.

Shirkan oo aan la ogeyn inta cisho ee uu qaadan doono, ayaa la filayaa in labada dhinac si adag u wada hadlaan, maadaama colaad muddo soo taagneyd ay ka dhaxeysay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, ayaa shalay gaaray Magaalada Nairobi, waxaana la socday Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah.