Shir u dhaxeeyey xubno ka socda DFS & Dowlad Goboleedyada oo la soo geba-gabeeyey

Shirka ka-tashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Garoowe ee Xurunta Dowlad Goboleedka Puntland,kaas oo socday mudo laba maalin ah.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya,Wasiiradda dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya,qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowlad Goboleedyada iyo Xubna kale.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa Dhageysiga talooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aadan Hidise Sharciyadeedka Shirkadaha kaas oo Horyaalla Golaha Aqalka Sare.

Gebagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare ayaa Waxaa ka soo baxay War-murtiyadeed.