Shirka Amniga Qaranka oo ka furmaya Muqdisho

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir looga hadlaayo Amniga Qaranka kasoo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda.

Inta uu Shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana ay xalay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa horudhac u ahaa Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.