Shirka arrimaha Soomaaliya ee ka socda Brussels

Waxaa Saacaddaha soo socda lagu waddaa in magaalada Brussels lagu soo gaba gabeeyo shirka arrimaha Soomaaliya, kaasi oo shalay uu halkaasi ka furay Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada, Bulshada rayidka iyo wadamada daneeya Arimha Soomaliya ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada Soomaaliya.

Shirka maanta ayaa ah mid ka duwan midkii hore ee shalay, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyada oo ugu dambeyn laga soo saari doono war-murtiyeed.