SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA KGS OO LOOGA HADLEY ARIMO DHOWR AH BAAQNA LOOGU DIREY MUSHARAXIINTA

Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Maamula Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo.waxaana Shir Gudoominayayey Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Maxamed Xasan Fiqi.

Shirka golaha Wasiirada ee Maanta Khamiista ah ayaa looga hadley Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Siyaasada Amniga iyo Dhaqaalaha iyo Baaq loodirey Musharaxiinta iyo Hindise Sharciyeed ay soo gudbisey Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbed Soomaaliya Mudane Ugaas Xasan Cabdi oo shirka ka dib Warbaahinta la hadley ayaa sheegey in Xaalada Amni ee Guud ahaanba Koonfur Galbeed ay tahay mid aad u wanaagsan dhaqaalahana uu yahay mid sii kobcaya ugaas Xasan ayaa Shedgey in Shirka sidoo kale lagu ansixiyey hindise Sharciyeed ay soo gudbisey Wasaarada howlaha guud iyo guryeynta isla markaana dhawaan loo gudbindoona golaha Baarlamanka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa sidoo looga hadley sidii ay ku dhici laheyd Doorasho Xalaal ah isla markaana waxaa baaq loogu direy musharixiinta oo ah in ay ka shaqeeyaan nabada iyo sidii uu amniga u sii wanaag sanaan lahaa si ay u dhacdo doorasho xalaal ah oo lagu faani karo sumcadna u noqota KGS.            (Qore’ Anteeno).