Shirka Maamul Usameyta Gobolada dhexe Oo Xakad Ku Yimid

Shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka socday magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa wali Hakad ku jira,iyadoo wali la isku mari la’yahay qodobo ka mid ah dastuurka oo muran badan dhaliyay.

Ergada ka ka kala socota Shacabka doonaya inay maamul mideysan sameyntaan ayaa ku sugan magaalada Cadaado,waxaana socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan dhinacyada isaga horjeeda shirka.

Dhanka kale,Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa ayaa laga sugayaa Cadaado si u xalayo khilaafka hareeyayiyo Hakadka ku yimid shirka Cadaado oo wali la isku mari la’yahay.

Sida aynu ku heleyno wararkamagaalada Cadaado ergada ayaa wali isku fahmi la’ qodobo ka mid ah dastuurka oo buuq badan dhaliyay.

Shirka Cadaado ayaa ka socon la’ buuq iyo is qab qabsi soo noq noday oo u dhaxeeyay ergada shirka iyo gudiga dastuurka maamulkaasi.