Shirka Madaxda D/Goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland waxaa ka furmay shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland ,Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Shirka ku  sugan.

Shirka ayaa qorshishiisa wuxuu ahaa inuu furmo shalay balse wuxuu u baaqday in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka dib dhacay tagistiisa Kismaayo iyo Wakiilka QM oo gaaray Kismaayo oo wada hadalo la yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.