Shirka Madaxda maamul goboleedyadda oo furmay

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ka furmay shirka Madaxda maamul goboleedyadda, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaraya Xaaladda Soomaaliya.

Xarunta Shirka uu ka furmay ayaa hadda waxaa Khudbado kala duwan ka jeedinaayay Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Puntland oo ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Shirkaan oo socon doona Saddex maalin ayaa lagu waddaa in gabagabadiisa laga soo saaro qodobo ku aadan hanaanka Siyaasadda Soomaaliya.