Shirka Wada Tashiga Hiigsiga 2016-ka Oo Maanta Lasoo Gaba Gabaynayo, Iyo Warmurtiyeed Laga Soo Saarayo.

September, 21 2015 (Radio Baidoa) Shirka wada tashiga ee hiigsiga sanada 2016 oo maalmahan magaalada muqdisho ka socday ayaa la filayaa in maanta lagu soo gabagabeeyo, kadib markii maalinimadii shaley uu hakad ka yimid, isla markaan soo food saaray caqabdo.

Warar ayaa sheegaya in caqabada soo wajahday shirka ay dadaalo la doonayo in lag dhexdehexaadiyo ay ka wadaan beesha caalamka oo shirka wada tashiga qeyb ka ah, iyadoo la doonaya in la gaaro is afgarada si looga gubo caqabadaha shirka soo wajahay.

Waxaana wararku intaa ay ku darayaan in madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland shaley shirka ay iskaga n lagu qancinayo in dib ay ugu soo laabtaan, lamana oga in ay wax iska bedaly go’aankoodi shaley oo shirka ay iskaga baxeen, kadib markii ay maamulka Puntland ay sheegeen in aan la fariisan doonin maamulka Galmudug oo ay sheegen in dastuurka uu san waafaqsaneyn.

C/salaan Caato afhayeenka xukuumada Soomaliya oo la hadlay warbaahinta muqdisho, ayaa sheegey in maanta lasoo gabagabeyn doono,madaxda dhamaan ay jooga, waxaana dhawaan la filya in ay kasoo baxaan Go,aano

Madaxtooyada Soomaliya ay tan ilaa iyo xaley ka socday kulamo gaar gaar ah, kulamada qaarna aya ku wehliyay qaar kamid ah xildhibaanada Soomaliya oo kasoo jeeda maamul gobaleedyada dalka kulamadaasi oo ahaa kulamo wada tashi.

Ugu danbeyntii beesha caalmaka ayaa madaxda Soomalida ku cadaadineysa in ay u hogaansamaan sidii lagu gaari lahaa 2016 qaabkii doorashada loo wajihi lahaa.

Radio Baidoa

Waxaad Nagla Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com