Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta kGS ayaa Maanta Ka qabsooomey Baydhabo’SAWIRRO’

Shirka Wadatashiga Qorista Qorshaha Horumarinta koonfur galbeed Soomaliya ayaa Maanta Ka qabsooomey Baydhabo ujeedadda Shirka ayaa ahaa Sidii Deeganada Kgs loogu kuur gali lahaa Xaaladaha Baahi ee ka jira iyo horumada la sameyay iyo Caqabadaha ku hordadban Horumarka Kgs sidii loo qori lahaa loona soo saari Dukuminti wanaagsan oo horumar u hor seedayo Koonfur galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Qar ka mid ah Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka KGS , iyo Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha . Waxana kullanka soo qaban qaabisey wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGS.
Ahmed Madoobe Nuunow Wasiirka wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGS oo shirka Guddominaayay ayaa ugu horeen shirka Daha Furey wuxuuna ka warbixiyay Ujeedada shirka iyo qorshaha Horumarinta KGs ,

Dhinac Kale Qaar ka Mid ah wasiirada Dowlad Goboleedka KGS oo Shirka Ka hadley ayaa Wasaarad Kasta aad usoo dhaweysay sidii loo qori lahaa qorshaha Horumarinta koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona wasarad Waliba ay Ballan qaadey in ay soo gudbin doonto qorshe waliba ay ku shaqeyneyso Wasaradda.

wasaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka KGs oo ka Duuleysa Sidii loo soo saari lahaa Qorshihii Shanta Sano lagu horumarin lahaa Koonfur Galbeed ayaa Wasiirka wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGs oo Shirka Soo xirey ayaa Wasiiradaha Ku booriyay in ay soo gudbiyaan Qorshayaasha ay ku shaqeyneyaan si loo helo Dukuminti wanaagsan 00 ka turjumaya Horumarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.