Shirkadaha Macdanta ee Koonfur Afrika oo magdhaw siinaya macdan qodayaas

Shirkadaha soo saara dahabka ee dalka Koonfur Afrika ayaa aqbaalay in ay bixiyaan boqolaal milyan oo doolar oo magdhaw ahaan loo siinayo macdan qodayaasha qaaday cudurada halista ah ee sambabada ku dhaca taasi oo ka soo gaartay shaqadooda.

Magdhawgani ayay tahay in ay ansixiyaan maxkamadaha dalkaasi.

Qareenadii matalayay macdan qodayaasha ayaa shirkadahan ku eedeeyay in ay dayaceen shaqaalaha ayna ku guuldaraysteen in ay ka difaacaan halista cudurada sambabaha ku dhaca.

Richard Spoor oo ah qareenkii matalayay tobonnanka kun ee qof ee maacdan qodayaasha ah ayaa sheegay in markii la bilaabayay kiiskan ay u jeedada ahayd in shirkadaha qoda macdan lala xisaabtamo.

Waxa uu intaa ku daray in uu doonayo in uu magdhaw u soo dhiciyo macdan qodayaasha iyo qoysaskooda.

Heshiiskan magdhawga oo ku kacaya lacag dhan 400 oo milyan oo doolar ayaa ah kiiskii ugu waynaa ee soo mara taariikhda Koonfur Afrika ahaana midkii ugu adkaa guud ahaan caalamka.

Heshiiskani ayaa waxa ay wali tahay in ay ansixiso maxkamada sare ee Johannesburg sanadkan dabayaqaadaiisa ka hor inta aan la dhaqangalin.

Shirkadaha macdanta sida Anglo American, Gold Fields iyo Harmony Gold ayaa ku guuldaraystay in ay kumannaan ah macdan qodayaal ay ka difaacaan cudurada ku dhaca Sambabka sida cudurka Qaaxada.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiskan , waxana sidoo kale soo dhaweeyay hay’adaha kale ee aan dowliga ahayn .