Shirkadda Hormuud oo soo bandhigtay khasaare iyo dhibaata luga hayo shaqaalaheeda iyo xarumaheeda

Saamileyda shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo kulamo kala duwan maanta ku qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne iyo Beledxaawo ayaa ku eedeeyay ciidammada Kenya inay si ula kac ah u burburiyeen xarumo shirkaddu ay ku lahayd gobolka Gedo gaar ahaan aagga ku teedsan xudduuda ay wadaagaan labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhacdooyinka lagu weeraray xarumaha shirkadda ayaa dhacay sannadkii lasoo dhaafay iyo sannadkan, waxana jira khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay sida ay sheegayaan saraakiisha shirkadda Hormuud.

Yaasin Xasan Yuusuf oo kamid ah saraakiisha shirkadda Hormuud ayaa BBC-da uga warbixiyay khasaaraha ka dhashay xarumaha la burburiyay.

Waxaan dhanka kalena af-hayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Kenya wuxuuna sheegay in ilaa haatan aanay jirin wax cabasho ah oo soo gaartay oo ku saabsan eedaynta shirkadda Hormuud, wuxuu intaasi ku daray in ay jawaab ka bixin doonaan marka ay cabasho soo gaarto.