Shixnad Gargaar ah Oo la gaarsiiyay Dalka Jabuuti

Laba Diyaaradaha Xamuulka ee Milliteriga Masar waxay shixnado Gargaar Aadminimo oo aad u faraabdan u daabuleen dalka Jabuuti.

Diyaaradahaasi oo ka soo duulay Saldhiga Ciiddanka Cirka Masar ee ku yaalla Bariga magaalladda Qaahira.

Diyaaradahaasi waxay daabuleen Shixnado ka kooban Cunto, Daawooyin iyo Qalabka Caafimaadka.

Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax El-Sisi ayaa bixiyey Amarka Diyaaradaha Gargaarka geeyey Jabuuti, xilli uu Madaxweyne El-Sisi Maanta oo Khamiis ah booqasho uga bilaabantay dalka Jabuuti