Sidii loo ansixinlahaa Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo Jowhar ka socda

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Jowhar , kaasi oo la qorsheynayo in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa wacad ku maray in aysan ansixin doonin Golaha Wasiiradda tan iyo inta ay ka helayaan Xuquuqda Maaliyadeed ee ka maqan.

muddo 7 bil wax mushaar ah ma qaadan, Xildhibaanada ayaa loo balan qaaday in la siinayo mushaarka labo bilood, inkastoo qaarkood ay diideen, ayna dalbadeen in dhamaan inta bil ee ka maqan la siiyo.

Kulankii baarlamaanka ayaa shalay u baaqday Kooram La’aan, ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu isku dayay in uu furo.

Madaxtooyada Hirshabeelle waxaa ka socda dadaalo lagu qancinayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood.