Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo la sii daayay

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo shalay galab ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in C/raxmaan C/shakuur uu xoriyadiisii dib u helay.

“Ugu dambeen Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxay, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Fiqi oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur, waxa uuna yiri “Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin, wuxuu ahaa hiil xoriyatul qawlka iyo dimuqraadiyadda loo hiiliyay.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray “Maalin iyo habeen saacado badan iyo goobo dhowr ah aan fariisannay, waxaan ku guuleysannay in xabsiga is afgarad looga sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame”

“Fadhi aan habeen barkii u fariisannay wuxuu ahaa mid ka mid ah laba fafhi oo aan shalay la qaadannay Hoggaamiyayaal dhaqan oo kii horena uu Ra’iisal Wasaaruhu ka ballan qaaday in la sii deynayo Cabdiraxmaan, fadhiga labaadna mas”uuliyiin aan ka mid ahay oo isugu jira Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda, Wasiirro iyo Xildhibaanno aan Cabdiraxmaan ku wareejinnay Hoggaamiyayaasha dhaqanka”. Ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho, Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah, waxaana lagu dilay 5 ka mid ahaa ilaalada C/raxmaan C/shakuur.

Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi.