Somaliland oo sheegtey in aysan Raali kanoqoneyn hawadeeda in meel kale laga maamulo

0 293

Maamulka Somaliland ayaa si adag u diiday go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegtay hawada dalka si looga maamulo gudaha Soomaaliya.
Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarrada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in Heshisyadii horey ee lagu saxiixay Turkiga ay dhigayeen in labada magaalo ee Muqdisho iyo hargeysa la geeyo qalabka maamulka hawada.
“Waxaa jiro heshiisyo hore oo la galay, waxaa qeyb ka ahaa in hawada aan wada maamulanno, qalab la geeyo Muqdisho, qalab kalena la keeno Hargeysa oo la dhameystiro December”. Ayuu yiri Maareeyaha.
Wuxuu sheegay in warkan ay ka maqleen telefishinnada, balse ay ahayd in wadatashi la geliyo ka hor inta aanan lagu dhawaaqin.
“Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya ayadoon wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen, Taasina waa in marnaba aysan Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo”.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka oo tan iy burburkii ay gacanta ku hayeen hay’ado ajaaniib ah.
Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.