Soo wareejinta Hawadda Soomaaliya oo gabagabo ku dhow

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalkii ugu dambeeyay ee ay kula soo wareegayso hawadda.
Wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada, waxaana uu sheegay labo todobaad ka dib in lasoo wareejin doono Hawadda Soomaaliya oo hadda laga maamulo dalka Kenya.
Omaar ayaa tilmaamay in 28-da Bishaan la qaban doono Xaflad weyn oo lagu soo bandhigaayo qalabka cusub ee Hawadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay jiraan Shaqaallo Ajnabi oo kasii howl bilaabi doono Muqdisho marka lasoo wareejiyo hadda, maadaama aysan jirin Shaqaalle Soomaaliyeed oo leh Aqoonta qalabkaasi.
Soo wareejinta Hawadda Soomaaliya ayuu ku timaamay Wasiir Omaar in ay tahay horumar weyn oo ay gaartay dowladda.
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo xooggan oo ku aadan soo gacan gelinta Hawadda Soomaaliya.