soo Xulista Baarlamanka 2aad ee KGS oo mardhow billaabmeysa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo Shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo Xulista Baarlamanka labaad ee KGS.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiyiinta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo Howlo shaqo ujoogey Baydhabo ayaa Maanta dib ugu laabtey Magaalada Muqdisho, wuxuna garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka sii sagootiyay Guddomiyaha Baarlamanka KGS Mudane Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ,wasiiro ,Xildhibaano ,iyo Mas’uliyiin kale,

Ujeedada Baydhabo maal mahan ujeegey ayaa eheed sii wada tashi ula sameyn lahaa Madaxweynaha KGS , Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddomiyaha Baarlamanka KGS ,oo kala hadleyay sidii loo soo xuli lahaa Xildhibaano ka Shaqeya horumarka iyo dowladnimada KGS.
Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye Guddomiyaha Gollaha wakiilada KGS ,oo ugu horeen warbaahinta kula hadley

qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegay in wasiirka sacadihii uu joogey Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka KGS ay ka wadaha hadleyn sidii loo soo xuli lahaa Baarlamanka labaad ee dowlad Goboleedka KGS.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiyiinta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr.Abdi Mohamed Sabriye. Ayaa sheegay in maal mahan Baydhabo ujoogey sidii hogaanka KGS uu kala hadlayay Soo xulistaXildhibaanada iyo doorashada gudoonka Baarlamanka kgs in si wanaagsan ay udhacaan .