
Caawa waxaa aad iyo aad loogu soo dhoweeyay Magaalada Phoenix ee dalka mareykanka Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka soomaaliya Mudane Ahmed Ali Daahir, Waxaa halkaa isugu yimid Dad aad iyo aad u farabadan Rag iyo dumarba ayadoo qofwaliba ay ka muuqatey farxad aad u weyn, mudane Ahmed ayaa halkaas ka jeediyey qudbad aad xasaasi u ah waxaa kaloo halkaas su’aalo ku weydiyey dadweynihii. Ahmed waxa uu sheegey in maanta soomaaliya ay u baahantahey dadka wadaniyiinta ah ee jooga wadanka dibadiisa waxa uu yiri hadii aadan u dhiman yaa u dhimadoono wadankaagii waxa uu aad ugu booriyey in dhalinta waxbartey in ay wadankooda wax uga qabtaan.