Soomaali Burcad Badeednimo ugu xiran Cumaan

Dhalinyaro 34 gaareysa oo Soomaali ah, kuna xiran dalka Cumaan ayaa waxa ay sheegeen in xaalado adag ay ku heystaan xabsiyada ay ku xiran yihiin.

Dhalinyaradan oo meelo kala duan laga soo qabtay ayaa waxa ay ahaayeen Burcad Badeed, waxaana qaarkood soo qabtay Ciidamada NATO, halka qaarka kalena ay soo qabteen Ciidamada Cumaan.

Raggan ayaa waxaa Maxkamada Janaaya ee dalka Cumaan ay ku riday min 25 sano oo xarig ah, kadib markii qaarkood dambi lagu helay.

Waxa ay sheegeen qaarkood dhalinyaradan oo hadlay Burcad badeednimada in ay u geysay Dowlad la’aanta iyo in aysan dalka shaqo ka jirin, ayna garowsadeen in Badda ay quud u doontaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in xaaladooda ay wax ka qabato, maadaama ay tilmaameen in nolol adag ay ku nool yihiin, inta hada ay xabsiga ku jiraana ay ka dhimatay laba qof.