Soomaaliya iyo Azerbajan oo ka wada hadlay xiriirka Labada Dal

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga.

Labadda Mas’uul ayaa halkaasi uga qeyb gayalaya Shirka Diblomaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya Magaalada Antalya.

Waxay ay kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta cilaaqaadka labada Dal sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga.

Waxaa uu tilmaamay Safiir Jamaal Caydiid rajo wanaagsan laga qabo in xiriirka labada dal uu gaaro meel sare .

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Azerbaijan ayaa soo shaacbaxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Jeyhun Bayramov.