Soomaaliya iyo Cupa oo ka wadahadlay dhaqaatiir gacanta ugu jira Shabaab

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta laba dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

Waxaa uu sidoo kale caddeeyay sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.

Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd Kenya iyo Soomaaliya si dhaqaatiirtaasi loo soo badbaadiyo.