Soomaaliya iyo Qadar oo Taageerey Duulaanka Turkiga

Soomaaliya iyo Qadar ayaa diidday in ay u codeeyaan Qaraar ay Jaamacada Carabtu ku Cambaaraysay weerarka u Turkigu ku qaadday Kurdiyiiyinta Suuriya:

Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta ayaa  magaalada Qaahira ku yeeshay shir deg deg ah oo lagaga arinsanayo weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, shirkan oo ay ku baaqeen Wadamada Masar iyo Sucuudigu waxa kasoo qayb-galay Wasiirro iyo Safiiro ka kala socday 21 ka dal ee Jaamcada Carabtu ay ka koobantahay.

Markii lagaadhay xiligii codaynta waxa qaraarka Turkiga lagu Cambaaraynayo diiday in ay u codeeyaan Wadamada Somalia iyo Qatar,
Tv-ga dawlada Masar oo toos looga baahinayay khudbadaha ayaa jaray markuu  Khudbada bilaabay Safiirka Qadar u fadhiya Jaamacada carabta, Laakin waxa baahintii tooskii dib loo soo celiyay markuu Hadalka bilaabay masuulka Soomaaliya uhadlayay,

Safiir Tawfiiq Axmad Cabdilahi oo Soomaaliya u hadlay ayaa aad u amaanay Dowlada Turkiga, waxana u yidhi; “Turkigu waa dawlad aan saaxiib nahay waxayna ay noo dhiseen kaabayaal badan oo uu kamidyahay Ciidanka qaranka Soomaaliya arinta Suuriyana xal siyaasadeed ayay ubaahantahay”.

Gebogabadii qaraar shirka laga soo saaray ayaa lagu Cambaareeyay weerarka u Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya,
qaraarkan Camaaraynta ah oo Tv yada laga akhriyay ayaa lagu yidhi;

“Duulaanka Turkigu u ku qaaday Suuriya waa mid cadawnimo ah oo lagu qaaday dal carbeed oo ay waajib tahay in laga jawaabo”.

Aljazeera.