Soomaaliya Oo Ka Adkaatay Kenya Tartan Caalami Ah & Guusha Weyn Ee Qaranka

Ramla Ali oo ah Gabar Feeryahanad Soomaaliyeed ayaa Guul weyn usoo hoysay Soomaaliya taas oo dad badan ay ku farxeen guushaas.

Waxa feeryahanada Ramla Cali ay Soomaaliya ku mataleysaa is reeb reebka Ciyaaraha Olambikada Adduunka Ee Bisha July Sanadkaan ka furmaya Caasimada Dalka Japan.

Ramla waxay ka badisey tartankana ay la gashay Beatrice Akoth oo udhalatay Dalka aan deriska nahay Ee Kenya.

Guushaan waxay yadadiilo iyo farxad ku abuureysaa Soomaalida oo dhan oo Ramla Cali ay utahay Shumac iftiin ubixinaya dalka iyo Calanka difaaceysa.

Hambalyo badan ayaana la gaarsiiyey si ay dhiiri gelin ugu noqoto Guushaas ay Dalka usoo hoysay Ramla oo Qaranka magaciisa huwan.

Tartanka Olambikada Adduunka ayaa furmaya Maalin Jimco ah Taariikhduna tahay 24 bisha 7aad iyadoo 9 Bisha Sideedaad uu soo xirmayo isla sanadkaan maalin ay Axad ku beegan tahay,waxaan urajeenayaa Qarankeena Soomaaliya Guul weyn insha allah.