Soomaaliya oo ka qeyb-galeysa Shir ka furmay Qatar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magaalada Doxa ee Wadanka Qatar waxaa ay uga qeyb-galayaan Shir looga hadlayo arrimaha teknoolajiyadda waxbarashada Caalamka ee (WISE Summit)

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasiirada waxbarashada dhowr dal iyo 2,000 oo qof oo bahda waxbarashada caalamka ah, oo ka kala yimid in ka badan 100 da,isla markaana kulanka lagu marti qaaday.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada dalka si ay ula sinnaato wadamada horumaray,sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliy Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada doxa ee Wadanka Qatar waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Shirkaas.