Soomaaliya oo u sharaxan mid ka mid ah Xilalka IGAD

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah Xilalka Urur goboleedka IGAD.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxda Midowga Afrika kala hadlay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Xilka Xoghayaha Fulinta Urur goboleed IGAD.

Mudane Cawad ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay ku bixin doonto helidda Xilkaasi.

Cawad ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu dalalka IGAD ka codsaday helidda Xilkaasi Maadaama Soomaaliya ay kusoo laabatay Saaxadda Siyaasadda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay inta uu ku sugnaa Magaalada Adis-ababa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo madax ka socotay Midowga Yurub