Taariikhda lagu dhawaqey Magaca Konfur Galbed iyo marxaladii ay soo martey+SAWIRO

Maalinta u gaar ah Konfur Galbed ma waxay noqon doontaa maalintii ugu horeysey ee lagu dhawaaqo Konfur Galbed oo aheyd 1dii April 2002 mise markii dib loo yagleeley ee 17kii November 2014.

1 April sanadkii 2002 goobtu waa Madaxtooyadii hore ee Baydhabo wana maalintii ugu horeysey ee lagu dhawaqey magaca Dowlad Goboledka Konfur Galbed oo ka koobneyd 6 Gobal isla gobtana lagy soo bandhigey Calanka Maamulka Konfur Galbed yeelanayo.

Goobta lagaga dhawaqey dhismaha Dowladda Gobaledka Konfur Galbed waxaa ku sugnaa siyaasiyiinta 6da Gobal ee maamulka loo dhisayey, shacab aad u fara badan oo ku faraxsanaa in dowlad loo dhiso iyo sido kale Wariyaal fara badan oo warbaahinta Caalamka iyo kuwa gudahaba u tabinayey dhismaha Dowladda cusub ee Konfur Galbed.

Isla maalintas ayaa lagu dhawaaqey Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbed waxana loo doortey Col. Hassan Mohamed Nur Shati-gudud Madaxweyne ku xigenka kowaad waxaa loo magacaabey professor Abdulahi Shekh Ismaciil halka Madaxweyne ku xigenka labadna loo magacaabey Mohamud Sayid Adan.

Dhismaha Dowlad xiligas ay kuwada qanacsanayen siyaasiyiinta iyo shacabka 6da Gobal ee Konfur Galbed mudo kooban ayaa Konfur Galbed laga dareemey in la heley dowlad ka shaqeysa guud ahaa deeganada Konfur Galbed hase yeeshe dad diidanaa dhismaha Konfur Galbed oo mid ah ayaa ka shaqeyey burburka dowladda dhisantey, hogaankii markas xilka hayey ayaa la dhexdhigey khilaaf sababey burburka Dowladii dhisantey ee Konfur Galbed in la xaliyo ayaa laysku deyey wana lagu guul dareystey hogaankii xilka hayey ayaa isku tanasuli wayey ugu dambeyntiina halkas ayey ku burburtey.

Dagaladii ka dhacay guud ahan Dalka iyo isku deyo badan ee la rabey in dib loo dhiso Maamulka Konfur Galbed oo guul dareystey ayaa sabab u noqdey in mudo maamul la’aan ay ahadaan dadka reer Konfur Galbed.

Hase yeeshee sanadkii 2014 ayaa did loo yaqleeley, Magalada Baydhabo waxaa ka dhacay shirar dib loogu dhisayo Maamulka Konfur Galbed labo shir oo iska soo horjeeda ayaa ka furmay Baydhabo mid lagu dhisayey lix Gobal iyo mid sedax Gobal lagu dhisayey waxana aakhirkii guuleystey in la dhiso sedax Gobal lkn magacii Konfur Galbed iyo Calankii oo farsamo yar lagu darey ayaa la qaatey.

17 November 2014 waxaa Madaxweynaha Konfur Galbedii dib loo yaqleeley loogu doortey Sharif Hassan Shekh Adan waxaa doortey ergo markii la doortey Gole Wasiiro ayuu magacaabey sanad ka dibna wuxuu soo dhisay Golaha Baarlamanka Konfur Galbed.

19 December 2018 ayaa Baarlamanka uu soo dhisay Sharif Hassan waxaa Madaxweynaha Konfur Galbed u doorteen Madaxweynaha hadda talada Konfur Galbed haya ee Madaxweyne Abdiaziiz Laftagareen Gole wasiiro oo u badan dhalinyaro wax baratey ayuu soo magacaabey sanad ka dibna wuxuu soo dhisay Madaxweyne Laftagareen Baarlamankii xigey kii isaga soo doortey kaas oo u badnaa dhalinyaro.

Is badel Maamulka ayaa la dareemey tan iyo intii uu Konfur Galbed maamulayey Madaxweyne Laftagareen dhalinyaro badan ayaa siyaasadda fursad u heley oo ku biirey kuwa kalena shaqo abuur ayaa loo sameeyey.

Muhiimadda shekada ayaa ah ilaa hadda ma jirto maalin gaar u ah Konfur Galbed oo laysku raacsan yahay ama loo aqoonsan yahay maalinta Konfur Galbed shacabkuna waxay u baahi qaban maalin si gaar ah u leeyihiin una dabaal degaan maalintoda shacab weynaha Konfur Galbed.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maalinta Konfur Galbed ma waxaa loo aqonsanayaa maalintii ugu horeesey ee lagu dhawaqo magac Konfur Galbed oo aheyd 1dii April 2002 isla maalintasna Madaxweyne loogu doortey Col: Hassan Mohamed Nur Shati-gadud mise markii dib loo dhisay 17 November 2014 Madaxweyne loogu doortey Sharif Hassan.

By: Abdukadir Barre Mo’allim.