Tababar Aqoon kororsi ah oo Maanta loo furey Wariyayaasha Radio Baido(SAWIRRO)

Tababar kor loogu qaadayey  laguna dhisayey aqoonta iyo shaqada Wariyayaasha Warbaahinta Radio Baidoa (BMC)          (Baidoa Madia Corporation) ayaa maanta loo qabtey Shaqaalaha Radio Baidoa.

Tababarkan ayaa bixineysey Hay’adda FORUMsyd waxana loogu tala galey sidii loo kaabi lahaa loona xoojin lahaa khibradaha wariyayaasha Radio Baidoa ee magaalada baydhabo.

Tababarkan oo heerkiisa aad u sarreeyey ayaa si weyn uga Faaideystey suxufiyiinta ka holgala idaacada Radio baido.  Waxaana ay sheegeen in ay ka kororsadeen waxyabo badan.

Ma aha markii ugu horreysey ee hay’adda (FORUMSYD) ay Tababar siiso suxufiyiinta Radio Baidoa.waxana dhowr jeer oo hore ay tababarro siisey shaqaalaha Radio baidoa.

Agaasimaha Idaacada Radio Baidoa Maxamuud Maxamed Kheyre  ayaa uga mahad celiyey Hay’adda FORUMSYD taageerada joogtada ah ee ay siiso wariyayasha Radio Baidoa wuxuuna ugu dambeyntii kula dardaarmey Shaqaalaha in ay Bulshada si wanaagsan ugu adeegaan waxyaabihii ay kororsadeen.

Idaacada Radio Baidoa ayaa ah Idaacada ugu Gacanta dheer ee ka howl gasha Goboladan Koonfur Galbeed Soomaaliya