Tababarka Bedqabka Suxufiyiinta oo Jowhar ka furmay

Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ka furmay tababar uu soo qaban qaabisay dalladda SOMA oo gacan ka helaysa hayadaha IMS-FOJO.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa kazoo qayb galay madax ka tirsan Hir-shabeelle sida, G/Ku xigeenka Gobalka ee dhinaca Ammaanka Abshir Caddow Hiraabe,Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Axmed Faarax Kolombo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Xasan Kulmiye .

Tababarka ayaa waxaa ka qayb gelaya 20 Suxufiin ah oo isugu jira Tifatirayaal iyo war tebiyeyaal.

Xogheyaha SOMA Maxamed Cabduwahaab, oo hadal ka jeediyey furitaanka Tababarka ayaa sheegay in tababarka Wariyaasha ka qayb gelaya ay ka kala yimaadeen Beledweyne, Balcad iyo Jowhar.

Wuxuu u mahadceliyey IMS-FOJO oo ka caawisay SOMA inay tababarkan qabtaan,madaxda Hirshabeelle ee ka qayb galay furitaanka Tababarka sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka Gobalka , duqa magaalada Jowhar iyo agaasiamaha guud ee Wasaaradda warfaafinta.

Xogeyaha ayaa sheegay in tababarka ay muhiimad wayn u leeyahay wariyaasha Hirshabeelle maadaama uu ku saabsan yahay bedqabka suxufiga oo muhiim ah marka Soomaaliya Wariyeyaasha ka Shaqeeya loo fiiriyo gaar ahaan Maamul gobaleedyada oo aan badanaa tababar helin.

“Waxaan rejeynaynaa inaad ka faa’iideysan doontaan casharada ku saabsan badqabka saxafiga oo ay idin bari doonaan khubaro uu hogaaminayo Ustaad Albadri” ayuu yiri Maxamed Cabduwahaab

Isku xiraha IMS-FOJO Abukar Albadri ayaa khudbad ka jeediyey kuna faahfaahiyey sida uu ugu faraxsanyahay asaga oo metalaata IMS-FOJO inuu tabarkan furitaankiisa ka qayb galo, wuxuu sharaxay muhiimadda Tababarkan ay iska kaashadeen IMS-FOJO iyo SOMA, wuxuu u mahadceliyey madaxda Hirshabeelle ee kala qayb galay furitaanka Tababarka sida gudoomiye xigeenka Gobalka ee dhanka amaanka , Duqa magaalada Jowhar, wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Radio Jowhar Maxamed Abukar Caseyr oo ka mid ahaa agaasimayaashii Warbaahinta ee ka qayb galay furitaanka ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan tababarkan uuna yahay midkii ugu horeeyey ee nuucaan ah oo Jowhar lagu qabto.

“Anoo ku hadlaya magaca madaxda Warbaahinada ka howlgala Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Jowhar waxaan qirayaa inuu yahay tababarkan midkii ugu horeeyey ee nuucaan ah oo lagu qabto Jowhar” ayuu yiri Agaasime Caseyr.

Wuxuu sheegay inay wariyaasha ka howlgalla magaalada tababarkan aad ugu baahnaayeen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta ayaa SOMA iyo IMS-FOJO uga mahadceliyey inay tababarkaan ku qabteen magaalada Jowhar, wuxuu sheegay in wariyaasha Hirshabeelle ay aad ugu baahan yihiin tababarada nuucaan ah.

“Ka wasaarad ahaan aad ayaan u soo dhawaynaynaa waxaan rabnaa wariyeyaasha Hirshabelle inay helaan tababarka nuucaan ah waana waxaan u baahnayn ayuu yiri”Wasiiru Dowlaha.

Dalladda SOMA oo gacan ka helaysa hayadaha IMS-FOJO ayaa horay waxaa ay tababaro noocaan oo kale ah ku qabatay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.