Taliska Ciidamada Booliska Waa loo diyaar garoobay sugida amanka goobaha doorashooyinka

Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in loo diyaar garoobay xaqiijinta amaanka doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada booliska ay diyaar u yihiin xaqiijinta amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan.

Ciidamo kamid ah booliska Soomaaliyeed oo tababaro kala duwan ku qaatay magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney qeyb ka qaadan doonaan xaqiijinta amaanka xiliyada doorashooyinka ka dhacayaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska ayaa gacan ka heli doona ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban booliska, meliteriga iyo nabad sugida, kuwaasi oo dhamaan amaanka ka shaqeyn doono, sida Xaamud uu sheegay.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in wax dhibaato ah sanadkaan aysan ka dhicin goobaha doorashooyinka.

Ciidamada booliska ayuu sheegay iney ka qeyb qaateen doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose oo ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaala dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacaya doorashada gudoonka baarlamaanka, madaxweynaha, doorashada wakiilada Somaliland ee baarlamaanka iyo doorashada wakiilada beelaha Muqdisho.