Taliska Ciidanka Taraafikada oo u digay Gaadiidleyda Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Gobolka Banaadir S/guuto Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in looga baahan yahay Gaadiidleyda kunool Magaalada Muqsisho in mid waliba laga helo leesinka ama aqoonsiga Darawalnimo uu ku maro waddooyinka Muqsisho.

Taliyaha o ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in qofkii laga waayalo aqoonsiga darawalnimo uu la kulmi doono ganaax iyo xabsi.

Sidoo kale waxaa uu uga digay Wadayaasha Gaadiidka ka Shaqeeya Muqdisho inay si qaldan waddooyinka u maraan, isla markaana ay ka dhalan karto shil gaari oo geysta dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Gobolka Banaadir S/guuto Bishaar Abshir Geedi ayaa waxaa uu faray wadayaasha Gaadiidka kala duwan inay u hoggaansamaan amarada kasoo baxaya Taliska Ciidanka Nabadgelyada ee Taraafikada, ciddii u hoggaansami weeysana ay tallaabo ka qaadi doonaan.