Taliska Ciidanka Xooga dalka soomaaliyeed oo ku Dhawaaqey Dagaal ka dhan ah Alshabaab

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in taliska ciidanka xoogga dalka uu dib u dhis ku sameyn doono Ciidamada qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed si ay amniga u xaqiijiyaan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay noqon doonaan kuwo hormuud u noqda Ciidamada xoogga dalka,isla markaana fuliya howlgallo deegaanno badan looga saarayo ururka Al-Shabaab.Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhawan howlgallo kala duwan laga bilaabi doono deegannada Koonfur Galbeed si tuulooyinka welki ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab looga saaro