Taliyaha Asluubta: Ciidanka looma baahna kuwa Naafada ah

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in xilligaan aanan loo baahneyn qof naafo ah inuu ka mid noqdo Ciidamada Asluubta Somaliya.

Isaga oo la hadlaayay qaar ka mid ah Ciidamada ayuu sheegay Mahad C/raxmaan in aanan loo baahneyn qof il la’ ama lug la’ inuu ka sii mid ahaado Ciidamada Asluubta.

Wuxuu sheegay in la doonaayo dhalinyaro fir fircoon oo u shaqeysa Qaranka, islamarkaana da,dooda u dhaxeyso 25 illaa 18 sano jir.

“Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa wuxuu niyad jab ku yahay ciidamada qaar ee naafada ah kuwaasi oo u soo dhaawacmay Qaranka.