Taliyaha booliska oo tababar u soo xiray saraakiil ka yimid Puntland

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan booliska, kuwaasi oo ka kala yimid degaanada dawlad goboleedka Puntland.

Saraakiishaan ayaa la baray sharciga xaquuqul iinsaanka, Baarista kufsiga iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey macalimiinta booliska oo kaashanayo Hay’adda Bancroft Global Development iyo Hay’adda International Narcotics and Law.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray.

S/gaas Bashiir ayaa xusay in taliska ciidanka booliska ay ka go’an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, waxaana uu tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka la siinayo.