Taliyaha Booliska Puntland oo ka qeyb galay dood ku saabsan caqabadaha soo wajaha dumar xilliga doorashada

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare, ayaa ka qeyb galay dood ku saabsan shaqaaqooyinka iyo tacadiyadda dumarka ee xilliga doorashada taas oo lagu qabtay xarunta hey’adda Cilmi barista Puntland ee PDRC.

Ka qeybgalayaasha oo isugu jiray xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland iyo xubno ka socday hey’adaha madaxa bannaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in had iyyo jeer laga fogaado shaqaaqooyinka iyo tacadiyadda dumarka ee xilliga doorashada dhacaya, iyagoo soo jeediyey in sida ugu mudan looga taxadaro arrintaas.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare, oo madasha hadal ka jeediyey ayaa si adag ugu hadlay habka ay Boolisku kaga hortagayaan shaqaaqooyinka iyo tacadiyadda dumarka ee xilliga doorashada, waxaana uu sheegay in gabar walba oo kamida ah kuwa ka qeyb galaya doorashada ay u diyaariyeen koox gabdho Booliska kamid ah oo hada iyo jeer la xalin doona caqabadaha dhanka amniga ka so wajaha.