Taliyaha cidanka Asluubta koonfur Galbeed ayaa Maanta kormeer ku tagey Beeraha Ciidanka Asluubta Sawirro

Saraakil katirsan ciidanka Asluubta oo uu Horkacayo Taliyaha cidanka Asluubta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Gashaanle sare (Aadan cali axmed) ayaa manta kormeer ku tagey beeraha cidanka Asluubta
Si logu soo celiyo gacanta Ciidanka Asluubta,

Dhanka kale Dhulkaan ayaa laqorsheynayaa in xarumo logu dhisi Doono caruurta agoonta ah ee ku xareysan Xarada Agoonta ee Al Xarameen.

magaalada Baydhabo ee xarunta u ha dowlad goboleedka Kgs ayaa waxa a ay horey u laheyd xarun loogu tallagalay ee lagu xanaaneyn ilmaha agoonta ah.

xaruntaa ayaa magaceedu ahaa Alla aamin orphange waxaa jirtay qeyb labaad oo isla xaruntanu ay laheyd taa oo la geyn jiray kuwii minda ahaa joogay xruntan allamin si halkaa loogu dhiso aqoontaada iyo aqligooda ayana waxaa la oran jiray boonkaay.

xaruumaha aan soo sheegay waxaa gacanta ku heyn jiray dowladii 21 sano soo shaqeysay ee uu madaxweynaha ka haa Alla ha u naxariistee Aabihii kacaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Siyaad Bare.

dhicitaankii dowldaa Jaale Siyaad dabadii waxaa xaruntii Alla aamin dib u faray aabihii Agoonta ee deegaanada Kgs ALLA ha u Naxriistee Aabo Cabdi Nuur Aroosow oo xil iska saaray in uu dhiso mustaqbalka ilmaha agoonta ah ee deegaanada Kgs.

dhimashadii Aabo Cabdi Nuur dabadeed xaruntii Alla AAmin waxaa ay noqotay goob ay gacanta u gashay shaqsiyaad gaar ah waxaa hada ay tahay goob ganacsi oo ka furan iskuulo shaqsiyaad ay maamullaan.

halka xaruntii weyneyd ee Boonkaay ay tahay mid la bur buriyay gurihii sida quruxda badan u dhisanaa looguna tallagay in lagu dhiso maskaxda ilmaha agoonta ah.

isku soo wada duub waxaa maanta saraakiisha ciidanka Asluubta Kgs ay dib u ballan qaadeen in beertii weyneyd ee ciidanka Asluubta xarun loogu dhisi doono ilmaha agoonta ah ee deeganad Kgs